Monday 22 August 2016

1980kii Howl-galkii warsashadda sonkorta ee Mareeray




Batmahii sanadkaas 1980kii, waxaa bilaamay inay hawlgasho warshadda, sonkorta ee mareerey, waxay warshaddu bilawday inay wax soo saarto sanadku markuu ahaa 1980kii.
Iyadoo noqotay warshadda sonkorta ee soomaaliya ugu tanweyn. Qorshaha wax soo saarka ee warshadda, waxaa ka mid ahaa in sanadka 1985ka uu wax soo saarkeedu gaaro hal milyan oo kiintaal oo sonkor ah sanadkiiba. Taasoo soomaaliya ka dhigaysay dal isakaga filan xagga sonkorta, iyadoo qorshaha danbe uu ahaa in soomaaliya ay dibedda u dhoofiso sonkorta. 


Marshruuca dhismaha warshadda sonkorta ee mareeray, waxaa iska kaashaday maalgalintiisa dalalka isutagga imaaraadka carabta UAE, mablakada sucuudi careebiya, iyo ururka dalalka dhoofiya saliidda OPEC, mashruuca waxaa loogu walqalay magaca ah,  jubba suger project,dhismihiisana waxaa qandaraas lagu siiyey shirkad ingiriis ah ee la yiraahdo,  Booker Agriculture international,  mashruuca mareeray kuma koobnayn oo kaliya wax soo saarka sonkorta, balse waxaa kale oo ka mid ahaa;

  1. Geed qaadis iyo bannayn dhulkii lagu abuuri lahaa qasabka sonkorta.
  2. Beeris qasab tiro badan oo dabooli kara baahida warshadda oo uu wax soo saarkeedu ahaa ilaa hal malyan oo kiintaal oo sonkor ah
  3. Jeexid kaliyo (kannaallo), iyo rakibaadda qalab kala haga biya waraabka beeraha ee ku kala yaal goobo kala duwan.
  4. Dhismo guryo ay dagaan xoogsatada iyo guud ahaan shaqaalaha mashruuca.
  5. Dhismiyaal faras-magaalayaal ku kala yaal xaafadaha kala duwan ee warshadda.
  6. Dhismo dugsiyo hoose dhexe ee loogu tala galay in wax lagu baro caruurta shaqaalaha warshadda.
  7. Dhismo bukaan socodyo dhawr ah, ee lagu daweeyo laguna dhayo wixii dhaawac fudud ah, sidoo kale iyadana in lagu daweeyo, jirrooyinka xilliyada ama deegaanka iyo kuwa si daba dheeraada.
  8. Waddooyin mara masaafada u dhaxaysa beeraha, warashadda, guryaha shaqaalaha, xafiisyada iyo saldhigyada kala duwan ee mashruuca.
  9. Dhismo shaybaarro loogu tala galay in lagu baaro laguna sameeyo daraasado la xariirra abuurka dalagyada, biyaha, ciidda iyo wixii cudduro ah ee haleeli Kara dhirta iyo mirahaba.
  10. Dhismo masaajid ay ku cibaadaystaan shaqaalaha warshadda iyo qof allaale qofkii Muslim ah ee ku sigan deegaanka warshadda.
  11. Naadi jimicsi oo ay u dhanyahiin noocyada kala duwan ee qalabka isboortiga iyo waxyaabo badan oo ka qayb qaadan kara qafiifinta culayska shaqada amaba qofku uu ku mashquuli karo xilliyada uu nasanayo taasoo ka jawaabaysa oraahda oraynayasa “jir caafimaad qaba ayey ku jirtaa maskax caafimaad qabta” 
  12. Dhismo bangalooyin lagu farsameeyo laguna dayac tiro qalabka warshadda iyo beeraha.
Warshadda waxaa shaqa iyo deegaanba ka helay dad ay tiradoodu tahay 16000 oo qof, kuwaasoo ka mid ahaa qaxootigii kasoo barakacay soomaali galbeed.
Guud ahaan mashruuca sonkorta ee mareeray, waxaa uu la dhutinayey dhibaatoooyin ugu yimid dhanka shirkadda ingiriiska ah ee gacanta ku haysay maamulka mashruuca, iyo dhanka madaxda, iyo dawladda soomaaliyeed oo maamulka wadaagga ah dhankooda ka hayey, kuwaasoo dhammaantood laba gacmaynayey, si gurracanna u hagayey maamulka mashruuca, maamulka igriiska ee ka socday shirkadda Booker international Agriculture, ee sida ku meel gaarka ah u maamulayey waaxyaha kala duwan ee mashruuca, waxay si sharci darro ah usoo kiraysteen shaqaale u dhashay dal India, shaqaalahaas qalaad, waa ay ka mushaar sarreeyeen kuwa soomaaliyeed oo ay isku xirfadda ahaayeen isku shaqadana ay qabanayeen, arrintaasi waxay caro ku abuurtay shaqaalihii soomaaliyeed ee mashruuca oo tirsanayey in si xun oo ka fog caddaaladda loola dhaqmay, waxayna codsadeen in si degdeg ah loo celiyo shaqaalaha qalaad ee lasoo kiraystay.
Taasi waxay keentay in dawladda iyo shirkadda ingiriiska ahba ay bedelaan siyaasadoodii la xariirtay qaabka shaqaalaynta, waxayna durbadiiba bilaabeen in tartiib-tartiib loo saaro shaqaalaha ajnabiga ah oo ay shaqadooda qaban karaan dad soomaaliyeed.
Dhammaan agaasimayaasha waaxyaha ee warshadda waxay ahaayeen ingiriis, hase yeeshee sanadkii 1983dii ayaa agaasimaha shaqaalaha laga dhigay muwaaddin soomaaliyeed.

Masuuliyiinta soomaaliyed ee warshadda waxay iu badnaayeen sida dhaqanku ahaa, masuuliyiinta soomaaliyeed intooda badan oo ahayd in lagacan bidixeeyo lana dibindaabyeeyo, oo si bareera loo dhaco xoolaha ummada soomaaliyeed, arrinta intooda badan ay ka sinnaayeen si gaara sida kuwa tooska ah u maamula warshadda iyo wasiirada ilaa madaxweynaha dalka inay bixiyaan waraaqo lagu soo xaabsanayo sonkirta warshadda, dabadeedna dadweynaha danyarta ah looga iibiyo sicir xad-dhaaf ah iyadoo waliba mararka qaarkoodba si bareera loogu kaydiyo maqsinno dabadeedna loo iib geeyo suuqa madoow. Burcaddaas si xad dhaafka ah looga iibinayo sinkorta ma ayan haysan intooda badan waraaqaha ganacsiga, balse waxay u badnaayeen qoomam yaacaya oo la naas nuujinayo, arrimahaasi waxay kordhiyeen xalaalaynta iyo dhiiri galinta xatooyada hantida ummada soomaaliyeed, iyo iyadoo waliba lagu faano, oo qofka wax xadaa uu ammaan ka mudnaa bulshadiisa, kan aan waxba xaddinna loo yiqiin nacas ay ilkaha sare xaaraameeyeen!, shaqsiyaad damiir leh waa ay jireen hase ahaatee waxay ahaayeen faro ku tiris masuuliyiinta warshadda kuwooda hufan waxaa ka mid ahaa Maxamed Cabdulle oo loo yiqiin shaarguduud kaas oo sii watay hufnaantisa xilliyo danbe oo uu hayey xilal kala duwan, oo uu ka mid ahaayeen, xilkii agaasimaha maaliyadda dawladda hosse ee muqdisho.


Dhulka warshadda kasoo rogan ee koonfurta tuulada kasuuma iyo tuulada Yoonteey ee ilaa badweynta hindiya, waxaa ku yaallay beeraha waaweyn ee talyaaniga oo lagu qiyaasi karo ilaa 80 beerood, oo ah kuwa afka qalaad loogu yaqaan “Azienda” shirkadahaas beeralayda talyaaniga waxay beeraan waxaa ugu badan waa muuska dhulka ay beeraha ku leeyihiinna waa dhulka ugu irmaan dhammaan dhulka beeraha ee Jubbada Hoose, inkaastoo mararka qaarkood ay dhibaato kasoo gaarto fatahaadda wabiga jubba kaas oo wax yeello u gaysta dalagyada suuqgeynta dibedeed, ee dhammaan waxa kasoo baxa beeraha dhammaan waxaa lo suuqgeyn jiray bariga dhexe, waxaa maanabool ku haystay oo ay gacantiisa ku jirtay nin u dhashay dalka talyaaniga oo lagu magacaabo,  De Nadai.


W/Q Xoosh Docol Curdan
curdan2@hotmail.com

No comments:

Post a Comment

GEUMEYSTEYAASHA LA GUMEYSTO

Xilliyaal is biirsaday aadunuhu waxa ay ahaayeen kuwo ku nool nolol lahaansho, xaqiraad, kala adkaan iyo isboorid adiyad iyo anafo ku seen...