Batmahii sanadkaas
1980kii, waxaa bilaamay inay hawlgasho warshadda, sonkorta ee mareerey, waxay
warshaddu bilawday inay wax soo saarto sanadku markuu ahaa 1980kii.
Iyadoo noqotay
warshadda sonkorta ee soomaaliya ugu tanweyn. Qorshaha wax soo saarka ee
warshadda, waxaa ka mid ahaa in sanadka 1985ka uu wax soo saarkeedu gaaro hal
milyan oo kiintaal oo sonkor ah sanadkiiba. Taasoo soomaaliya ka dhigaysay dal
isakaga filan xagga sonkorta, iyadoo qorshaha danbe uu ahaa in soomaaliya ay
dibedda u dhoofiso sonkorta.
Marshruuca dhismaha
warshadda sonkorta ee mareeray, waxaa iska kaashaday maalgalintiisa dalalka
isutagga imaaraadka carabta UAE, mablakada sucuudi careebiya, iyo ururka
dalalka dhoofiya saliidda OPEC, mashruuca waxaa loogu walqalay magaca ah, jubba
suger project, dhismihiisana waxaa qandaraas lagu siiyey shirkad ingiriis
ah ee la yiraahdo, Booker Agriculture international, mashruuca mareeray kuma koobnayn oo kaliya wax
soo saarka sonkorta, balse waxaa kale oo ka mid ahaa;
- Geed qaadis iyo
bannayn dhulkii lagu abuuri lahaa qasabka sonkorta.
- Beeris qasab tiro
badan oo dabooli kara baahida warshadda oo uu wax soo saarkeedu ahaa ilaa
hal malyan oo kiintaal oo sonkor ah
- Jeexid kaliyo
(kannaallo), iyo rakibaadda qalab kala haga biya waraabka beeraha ee ku
kala yaal goobo kala duwan.
- Dhismo guryo ay
dagaan xoogsatada iyo guud ahaan shaqaalaha mashruuca.
- Dhismiyaal
faras-magaalayaal ku kala yaal xaafadaha kala duwan ee warshadda.
- Dhismo dugsiyo hoose
dhexe ee loogu tala galay in wax lagu baro caruurta shaqaalaha warshadda.
- Dhismo bukaan socodyo
dhawr ah, ee lagu daweeyo laguna dhayo wixii dhaawac fudud ah, sidoo kale
iyadana in lagu daweeyo, jirrooyinka xilliyada ama deegaanka iyo kuwa si
daba dheeraada.
- Waddooyin mara
masaafada u dhaxaysa beeraha, warashadda, guryaha shaqaalaha, xafiisyada
iyo saldhigyada kala duwan ee mashruuca.
- Dhismo shaybaarro
loogu tala galay in lagu baaro laguna sameeyo daraasado la xariirra abuurka
dalagyada, biyaha, ciidda iyo wixii cudduro ah ee haleeli Kara dhirta iyo
mirahaba.
- Dhismo masaajid ay ku
cibaadaystaan shaqaalaha warshadda iyo qof allaale qofkii Muslim ah ee ku
sigan deegaanka warshadda.
- Naadi jimicsi oo ay u
dhanyahiin noocyada kala duwan ee qalabka isboortiga iyo waxyaabo badan oo
ka qayb qaadan kara qafiifinta culayska shaqada amaba qofku uu ku
mashquuli karo xilliyada uu nasanayo taasoo ka jawaabaysa oraahda
oraynayasa “jir caafimaad qaba ayey ku jirtaa maskax caafimaad qabta”
- Dhismo bangalooyin
lagu farsameeyo laguna dayac tiro qalabka warshadda iyo beeraha.
Warshadda waxaa
shaqa iyo deegaanba ka helay dad ay tiradoodu tahay 16000 oo qof, kuwaasoo ka
mid ahaa qaxootigii kasoo barakacay soomaali galbeed.
Guud ahaan mashruuca
sonkorta ee mareeray, waxaa uu la dhutinayey dhibaatoooyin ugu yimid dhanka
shirkadda ingiriiska ah ee gacanta ku haysay maamulka mashruuca, iyo dhanka
madaxda, iyo dawladda soomaaliyeed oo maamulka wadaagga ah dhankooda ka hayey,
kuwaasoo dhammaantood laba gacmaynayey, si gurracanna u hagayey maamulka
mashruuca, maamulka igriiska ee ka socday shirkadda Booker international Agriculture, ee sida ku meel gaarka ah u
maamulayey waaxyaha kala duwan ee mashruuca, waxay si sharci darro ah usoo
kiraysteen shaqaale u dhashay dal India, shaqaalahaas qalaad, waa ay ka mushaar
sarreeyeen kuwa soomaaliyeed oo ay isku xirfadda ahaayeen isku shaqadana ay
qabanayeen, arrintaasi waxay caro ku abuurtay shaqaalihii soomaaliyeed ee
mashruuca oo tirsanayey in si xun oo ka fog caddaaladda loola dhaqmay, waxayna
codsadeen in si degdeg ah loo celiyo shaqaalaha qalaad ee lasoo kiraystay.
Taasi waxay keentay
in dawladda iyo shirkadda ingiriiska ahba ay bedelaan siyaasadoodii la xariirtay
qaabka shaqaalaynta, waxayna durbadiiba bilaabeen in tartiib-tartiib loo saaro
shaqaalaha ajnabiga ah oo ay shaqadooda qaban karaan dad soomaaliyeed.
Dhammaan
agaasimayaasha waaxyaha ee warshadda waxay ahaayeen ingiriis, hase yeeshee
sanadkii 1983dii ayaa agaasimaha shaqaalaha laga dhigay muwaaddin soomaaliyeed.
Masuuliyiinta
soomaaliyed ee warshadda waxay iu badnaayeen sida dhaqanku ahaa, masuuliyiinta
soomaaliyeed intooda badan oo ahayd in lagacan bidixeeyo lana dibindaabyeeyo,
oo si bareera loo dhaco xoolaha ummada soomaaliyeed, arrinta intooda badan ay
ka sinnaayeen si gaara sida kuwa tooska ah u maamula warshadda iyo wasiirada
ilaa madaxweynaha dalka inay bixiyaan waraaqo lagu soo xaabsanayo sonkirta
warshadda, dabadeedna dadweynaha danyarta ah looga iibiyo sicir xad-dhaaf ah
iyadoo waliba mararka qaarkoodba si bareera loogu kaydiyo maqsinno dabadeedna
loo iib geeyo suuqa madoow. Burcaddaas si xad dhaafka ah looga iibinayo
sinkorta ma ayan haysan intooda badan waraaqaha ganacsiga, balse waxay u badnaayeen
qoomam yaacaya oo la naas nuujinayo, arrimahaasi waxay kordhiyeen xalaalaynta
iyo dhiiri galinta xatooyada hantida ummada soomaaliyeed, iyo iyadoo waliba
lagu faano, oo qofka wax xadaa uu ammaan ka mudnaa bulshadiisa, kan aan waxba
xaddinna loo yiqiin nacas ay ilkaha sare xaaraameeyeen!, shaqsiyaad damiir leh
waa ay jireen hase ahaatee waxay ahaayeen faro ku tiris masuuliyiinta warshadda
kuwooda hufan waxaa ka mid ahaa Maxamed
Cabdulle oo loo yiqiin shaarguduud
kaas oo sii watay hufnaantisa xilliyo danbe oo uu hayey xilal kala duwan, oo uu
ka mid ahaayeen, xilkii agaasimaha maaliyadda dawladda hosse ee muqdisho.
Dhulka warshadda
kasoo rogan ee koonfurta tuulada kasuuma iyo
tuulada Yoonteey ee ilaa badweynta
hindiya, waxaa ku yaallay beeraha waaweyn ee talyaaniga oo lagu qiyaasi karo
ilaa 80 beerood, oo ah kuwa afka qalaad loogu yaqaan “Azienda” shirkadahaas beeralayda talyaaniga waxay beeraan waxaa ugu
badan waa muuska dhulka ay beeraha ku leeyihiinna waa dhulka ugu irmaan
dhammaan dhulka beeraha ee Jubbada Hoose, inkaastoo mararka qaarkood ay
dhibaato kasoo gaarto fatahaadda wabiga jubba kaas oo wax yeello u gaysta
dalagyada suuqgeynta dibedeed, ee dhammaan waxa kasoo baxa beeraha dhammaan
waxaa lo suuqgeyn jiray bariga dhexe, waxaa maanabool ku haystay oo ay
gacantiisa ku jirtay nin u dhashay dalka talyaaniga oo lagu magacaabo, De
Nadai.
W/Q Xoosh Docol Curdan
curdan2@hotmail.com
No comments:
Post a Comment