Saturday 10 February 2018

KOORTA GEELA W/Q: Maxamed Saleebaan Axmed “Tixmagabe”

“Sida koorta Yucub oo la sudhay, koromo buubaala’’ - (Raage Ugaas)
Koortu waxa ay ka mid tahay agabka hawl fududaynta ah ee ay adeegsadaan xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed. Waxana loo xidhaa xoolaha si looga ilaaliyo baylahda, marka ay dibboodaanna loogu sanqadh dhegeysto. Koorta waxa si gaar ah ugu suntan geela oo isagu meesiyada kale ee la dhaqdo ka socod iyo hawl badan. Koorta waxa laga qoraa qaar ka mid ah dhirta sida hagarla’aanta ah uga baxda gayiga soomaaliyeed gaar ahaan; geedka lebiga iyo reybadka, sidoo kale waxa kooraha laga qoraa geedka dhosoqa, yucubta iyo IWM. Waxana dhirtan aynu soo sheegnay lagu xushay dhawr arrimood oo ay u horreyso in ay yihiin kuwo kooraha laga qoraa ay aad u sanqadh dheer yihiin, isla markaana aanay si fudud u dillaacin.
Kooruhu way noocyo badan yihiin waxa ayna ku kala duwan yihiin xajmiga, qaabqoraalka, carrabada, codka iyo dhirta laga qoraba. Hab aqooneed marka loo kala saarayo waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah Afqalac (af-jeex) iyo Rogaal. Waxa ayna labadan nooc ku kala duwan yihiin nashqadda iyo qaabsamayska oo si fudud loogu kala garto. Kooraha Afqalaca ah labadooda fay ama cidhif ma rogna, halka kooraha rogaasha ah labadooda fay ama cidhif ay yihiin kuwo kor u rogan.
Kooraha jaadka afqalaca ah u qoran waxa ka mid ah; Jiri (waraabe-daalis), AleenAleen-xooglaba-carrabley, iyo nooca ugu wayn oo la yidhaahdo Boodaan. Kooraha rogaasha ahna waxa ugu caansan; SanfaydQudkool (rogaal) iyo Nasro.
Koorta marka la qorayo waxa geedka laga soo jaraa laan toosan oo aan wax kurtinno ah lahayn. Waxana quraarkeeda loo adeegsadaa gudmo yaryar oo ay ka mid yihiin Jubbi iyo Dulmar. Dulmarta waxa kooraha iyo agabka kaleba lagaga qoraa oogada sare. Jubbida ama Mansaartana waxa lagaga qoraa (xordaa) gudaha hoose.
Haddaba marka la dhammeeyo hawsha qoridda waxa koorta loo yeelaa afar dalool oo ay laba hareeraha yihiin labana dusha sare. Labada daloolee hareeraha ah waxa la geliyaa xadhigga koorta lagu xidhayo. Labada dalool ee sarena waxa loogu talagalay in lagu xidho labada carrab ee koorta ka sanqadhinaya.
Carrabada koortu waxa ay u sameysan yihiin hab ka qasharka xabadda oo kale. Waxana laga soo gooyaa geed Madheedh ama Dhafaruur ah, sababta oo ah dhirtaasi waxa ay leeyihiin dhuux xooggan oo suurtogeliya in uu koorta si sahlan uga sanqadhiyo. Kooraha Afqalacada ah tan ugu yar waxa loo yaqaannaa Jiri ama (waraabe-wareeris). Jirida waxa badanaa loo xidhaa nirgaha aadka u yaryar ee caano nuugga ah. Sidoo kale waxa jira Aleen oo isagu jirida ka weyn kana cod dheer. Waxana uu leeyahay jabaq aad u sarreeysa oo dawan ah, waxa loo xidhaa Aaranka.
Aleenka waxa kor uga sii roon Aleen-xoog oo labadaa horeba ka sanqadh dheer waxana loo xidhaa geela waaweyn ee Gaanaha ah. Sidoo kalena kooraha Afqalaca ah waxa ka mid ah koor la yidhaahdo Labacarrabley. Labacarrableyda waxa loo xidhaa geela waaweyn waxa ayna in yar uun ka roon tahay Aleen-xoogga.
Boodaan: boodaantu waa koorta ugu wayn kooraha aan rogaasha ahayn. Waxana loo xidhaa hal galoof ah ama hal deggan oo aan ramadka dhalay ka mid ahayn. Koortu miisaan ahaan way ka culus tahay kooraha kale waana ay ka jabaq culus tahay, gaar ahaan waxa si aad ah loo maqlaa habeenkii. Sidaa darted ramadka iyo rimayga looma xidho.
Koorta uu codkeedu aadka u sarreeyo waxa loo yaqaannaa Babban. Koortu in ay babban noqotona waxa suuro geliya ninka qoraaga ah oo haddii ay koortu ahaato mid qaro wayn codkeedu ma noqdo babban. Se marka dhabannada, dusha iyo hoostaba si cilmiyeysan loo khafiifiyo waxa ay noqotaa mid la yaqaan oo aad u cod iyo tayo wanaagsan. Koorta aan sida fiican loo qorin ama laga qoray geed aan tayadiisu fiicnayn iyana waxa ay yeelataa cod hooseeya oo aan meel durugsan laga soo maqli karin dhawaaqeeduna aanu hab toolmoon u bixin, iyana waxa loo yaqaannaa Qonosh.
Geeljiraha soomaaliyeed waxa uu aad u yaqaannaa ama uu ku xeeldheer yahay qaabka uu geeliisu u daaqo. Tusaale ahaan; geela hal ka mid ah ayaa lagu yaqaan in ay geela kale horkacdo, halka halaha qaarkoodna ay markasta ka dambeeyaan geela ama ay bidhaan uun kula daaqaan. Sidoo kale halaha qaar ayaa geela baalaha ka raaca, hasha ugu dambeysa iyo tan ugu horreysa marka uu daba-dhoonku koor u xidho waxa uu si fudud u soo saari karaa geelu halka uu daaqayo weliba hasha ugu horreysaa halka ay joogto iyo tan ugu dambeysaaba. Waana hab-aqooneed maangal ah oo geeljiraha mooyee cid kale aanay aqoon.
Kala duwanaanta kooruhu waxa ay ka mid tahay farshaxannimada ay xoola-dhaqatadu xirfadda aadka ah u leeyihiin, tusaale haddii aynu u soo qaadanno, kooraha rogaasha ahi waa koorihii hore oo farshaxannimo la raaciyey.
Sanfayd: waxa ay le’eg tahay kana mid tahay Aleenka ama Aleenxoogga, se’ waxa ay kaga duwan tahay oo lagu yaqaannaa labadeeda fay ayaa kor u jeeda, dhawaaqeeduna waa mid aad u sarreeya.
Rogaal (Qutool): Koorta rogaasha loo yaqaannaa iyadu badanaa waxa ay le’eg tahay boodaanta waa se la yarayn karaa oo la le’ekaysiin karaa xajmi kasta, labadeeda dacal ama fay way rogan yihiin waxana qora oo kaliya qofka qoraalka kooraha aadka ugu xeesha dheer.
Rogaashu waxa ay leedahay carrab kaliya oo dhumucdiisu aad u wayn tahay. Rogaasha nooca ugu weyn waxa loo yaqaannaa Nasro, sababta oo ah waxa ay sameeysaa cod qaab durbaaneed oo kale ah. Hab-quraarka koorta rogaasha ah looma adeegsado in geela lagu sanqadh dhegeysto balse waxa muunayn looga dhigaa geela oo soddonkii halaadba hal keliya ayaa loo xidhaa rogaal. Kooraha marka la rabo in sanqadhooda la joojiyo waxa la isku xidhaa labada carrab ama inta bur caws ah la gooyo ayaa koorta lagu gufeeyaa, waxana loo yaqaannaa yaarayn ama qadaadid. Sidani badanaa waxa ay dhacdaa marka geela la dhaco ee aan la doonayn in haddii col ka daba yimaaddo aanu maqal.
Waxa jira habab loo la tacaalo koorta in codkeeda kor loogu qaado ama jabaqdeeda lagu labanlaabo. Waxana ka mid ah juqaal iyo sandaar iwm. Juqaalka waxa loo yaqaanna marka koorta labada dhegood ama labada dalool ee xadhkuhu kaga xidhan yihiin mid ka mid ah ama labadaba lagu aabudho jab qori ah. Juqaalku waa hab fudud oo koorta codkeeda loo siyaadin karo. Sandaarka isna waxa loo yaqaannaa marka koorta labadeeda fay ama san mid ka mid ah la geliyo ama lagu dhejiyo qori yar oo dhuuban si uu codka u siyaadiyo, waana marka ay koortu sanqo yeelato. Waxa jira isna hab kale oo loo yaqaan gaar. Gaarku waa marka koorta lagu shaqlo harag Sakaaro ama xoolaad oo lagu sarjaray. Gaarku koorta codkeeda wuu ka qaybqaataa tayadeedana waa uu sii labanlaabaa.
Geedka Lebiga ee geelu aadka u jecelyahay uguna wanaagsan ka goosiga kooraha, oo koor caqiibo leh laga goosto, faa’iidooyin badan ayaa uu geela u leeyahay, kuwaas oo ka baxsan koorta oo keliya. Arrimahaas oo ay heestan hoose inoo sheegayso saddex faa’iido oo geelu Lebiga ku qabo; kuwaas oo kala ah. In uu ka daaqo midhaha uu aadka u jecelyahay ee Kaambuli. Marna looga qoro koorta sanqadh wanaagsan oo la dhegaysto xilliga la raadinayo ama la ururinayo kaynta dhexdeeda. Iyo in loo fuulo marka la bidhaaminayo ee uu kala fogaado galabtii.
Geelu Lebi ku ladanaa
Koor looga gooyaa
Kaambuli1 ka daaqyaa
Ka jiraa u fuulyaa

Midho geelu jecelyahay oo Lebiga ka baxa

Maxamed Saleebaan Axmed “Tixmagabe”.
Hargaysa, Somaliland.

No comments:

Post a Comment

GEUMEYSTEYAASHA LA GUMEYSTO

Xilliyaal is biirsaday aadunuhu waxa ay ahaayeen kuwo ku nool nolol lahaansho, xaqiraad, kala adkaan iyo isboorid adiyad iyo anafo ku seen...