Wednesday 14 February 2018

GEUMEYSTEYAASHA LA GUMEYSTO

Xilliyaal is biirsaday aadunuhu waxa ay ahaayeen kuwo ku nool nolol lahaansho, xaqiraad, kala adkaan iyo isboorid adiyad iyo anafo ku seen qaaban, taas oo ku qotonka utummo waaweyn oo isu biirsaday caadooyin soo jireen ah iyo aamminaad diimeed. Imaanshihii diinteenna suubban ee Islaamku isla markii ba ma aysan laalin caadooyinkii is lahaanshaha, taas beddelkeedna waxa ay qaadday tillaabooyin lagu midab goynayo is lahaanshaha aadanaha dhexdooda ah, iyada oo islahaanshihii kusoo koobtay in Eebbe oo qur ah uu lahaan karo aadanaha, aysanna jirin cid Eebbe isku dhererin karta dhan walba, walow ay kuwo soo baxeen! Ka quuso adduun!

Qaniimada iyo furashooyinka dagaalka ka dhexeeyey Muslimiinta iyo Macatablayaashu wuxuu ahaa kii ugu weynaa ee dad lagu lahaado taariikhda la hayo. Waxaa se ka sii darnaa kuwii reer Yurub ay ku duuleen kuna qabsadeen inta badan uumanaha Eebbe uumay, taas oo u darbanayd abuuridda islahaansho cusub iyo kala sarrayn, "Ku lahaaday mooyee, kan lahaw ma soo marin".

La sal guuri, lagana toobad keen wixii is lahaansho ahaa ee ka dhacay kownkaan korkiisa qarnigii islahaanshaha ee 20-aad. Waxa ayse ahayd riwaayad loo dhigayey indho ku garaadleyaasha, lana dareensiinayey xaddaarad ay indhuhu qabanayaan qalbigu se diidayo! Waa xaddaaraddii la maldahay lahaanshaha aadanaha ee laga soo guuriyey dadyowgii ku sabcanaa is lahaanshaha, lahaanshaha labo addinle waxa uu adduunka ka noqday kan ugu qaalisan xilliyo gaar ah, waa uummiyihii unkay is lahaanshaha xeeladaysan, "Nimaan quud la soo bixin, ama qaanta bixin karin, qawlkiisu qorid ma leh, miro la iska qaatiyo, qaayiyo wanaag iyo ma leh qaabsanaan guud!".

In wax lagu daro dhaqan lana beddelo ma ahan mid dhif ku ah adduunkaan ay buuxisay carada alle, ka gadaal markii Eebbe lagu adyooday, Waxaa la tirtiray dhaqammadii ay abuureen diimihii qaddiimka ahaa ee Sabuur, Tawreed iyo Injiil, Furqaanna biyo raacisay loo na beddelay nin walba sida uu jeclaa, maxaa ka dhashay is weyddii?! Wax loo lama harin dhaqammadii liicsanaa, iyaga oo ay ka kor mareen dhaqammo liita, dhaqammada liita waa kuwo sii waaraya had iyo jeeraalana ilaaladooda loo okobban yahay, "Naftu waxay jeclaataa, meel aan jeelku ugu jirin, Jannama salkeeday ka jibaadi doontaa!", Waa dhaqammada beddelay wejigii hore ee adduunkaan kana dhigay kuwo si dadban la isu leeyahay, wacad iyo waraadana lagu maray in ilaaladooda loo faylodhuubto, howl iyo hawkarr kastana loo maro.

Ruuxii dedaal badan u hura, howshi loo diro ba
Ee aan ka door bidin, waxaan duxi ka raacaynnin
Wax dubaaqa geli, maalin uu daafta mariyaaye!
Dawarsiga nin diidaa jiroo, gaajo daa'imo e!

Is lahaanshihii diirka ka caddaa waxaa lagu beddelay mid dadban, "Allahoyow, nin ii daran maxaan daafta hore seexshay, Nin I daaqsanaayana maxaan daafiada u kariyey, Qosol aan dibnaha jirin maxaan ugu dalleensiiyey" - Maxamed Nuur Fadal, EHUN, waa adduun uu cabbir ka bixiyey gabaygani, waa adduun la kala sooci waayey sir iyo caad, waa adduun kii ku sirayaa saaxiibkaa uu yahay,  laandeyrta kuu taalla ay kaa laalan tahay, mooyee waa adduun si ah!

Gumeysteyaasha la gumeysto, waa ilays cabbir xagal qumman ah uga soo baxaya liifad, waa ileys laga soo laliyey ubucda luki sidii danabkii u labo kaclaynasa, ilays ay waddo jeegaan ay ku xardhan yihiin midabbo badan, qoraal far madowna uu ku sii dhex jiro jeegaanta midabkeeda madow, waa qoraal far qarsoon ku qoran oo leh "Tayda raac, ama waad tegin!", waa dhaqan ka soo baxaya qalbiyada kuwii jeclaa in ay mar kale soo celiyaan is lahaanshihii tooska ahaa, balse maxay ku falayaan mid dadban bay ka door bideene!

"Maxaa sira la qaybsaday, safsaf la isu kala maray, siraad la isu wada shiday, la isi sogordahayaa, la iskuna samraayaa, salaan aan niya ahayn, gacmo la isu saaraa, la isi soo dhaweeyaa, runta laga siqaayaa, ee inta sacabka loo tumay, adduunyadan sir iyo caad, ninba sida dantiisa ah, uu sitaa saqaafaha, saamo la isu jiidaa, la isu wada sanqanayaa, siddi qabaxi dabo taal, afka subag la mariyaa, calooshuna sun jiiftaa, sancaalaha gumeysigu, hubka ay sameeystaan, haddaanay dhiig ku socodsiin, siduu ugu gadmaayaa?! Waxa tahay su'aashii, kolba labo sokeeyaa, saaxiiboo walaalo ah, la isku soo diraayaa, kolkii labo saf loo go'ee, saanaddii dhammaatee, soo qayshado la dagihii, soori waannu ka xunnahay, siliciyo dhibtiinnba, siintii way dhammaatee, sawaariikhda naga gada, sahal loo yiraahdaa, waa sidaa ujeeddadu!" - Singub 1974. 

Calamadda ay ku xardhan yihiin, faraha/qoraallada qarsoon ee is lahaanshaha casrigaan sir iyo caadka aan la kala saafin, waxaa salka dambe ka riixaya kuwo marna ba aysan dani ugu jirin haynta usha dheer ee calanka bishaarada is lahaanashaha, kuwa sida  waa kuwii dad kuu xigay, waana kuwa joogi heddaada maalin ay ahaata ba. Sirta waannu fahannaye waa sidee ujeeddadu?!

Berkeda saaruq saro maray, biyo saaxiyaa xiga! dadkeenna waxaa ka soo saro maray intii ay ku xirnaayeen silsiladaha dhaadheer ee gumeystuhu, "Silsilada baa majaha kaaga xidhan, suufiyahow waalan!". Wuxuu waddanka ka baxaya isaga oo abkiis iyo isirkiis aysan berina dheeco ku sheegin, wuxuu soo laabanayaa isaga oo nacladan! Ninka Masar u aada waxbarashada, ganacsi ama wadiiqadu la gasho waxa uu imaanayaa isaga oo Masriyeysan, kan sucuudiga u aadana isaga oo reer Aalasucuud ah, gaalaysiinta iyo fatwaduna afka ka saaran tahay, kan galbeed aadana xaddaarad ishuwan oo ah jeegaan aan la aqoon bar bilowgeed iyo dhammaadkeeda toonna taas oo huwan buste duntiisu tahay khayaano iyo dan la caabudo!

Waayaha is dhalan rogay, wacad baan lahaynoo, weli waan ballamaynaa! Muddo dheer hirarka waayuhu waxa ay soo garaancaba, adduunkaan noloshiisu waxa ay ku soo gaabisay in ay noqoto mid carrabka kula hadlayaa erayada ka soo baxaya ay yihiin kuwo ka macaan malabka la quuto, carrabka ay ka soo butaacayaanna uu yahay midka ka qodax iyo gucundho badan balligii Gaxandhaale, kana cagaag badan dushii Geelqariso, kana af badan mindiyo tumaal sanceeyey, waa yaab adduun!

Gumeysteyaasha la gumeysto, garta u mudan waa in la maqlo lana dhagaysto, warkoodana laga dhigo mid aan labo eray la iska weyddiin. Ninka gumeyste ah, oo isaga laf ahaantiisa la gumeysanayo! Waxa ay ku tusinaysaa xeel dheerida laga gaaray noloshaan adduunka ee ku kooban waayaha gaaban, waa nolol ninkii sii raaca ay u muuqanayso salkeeda dambe, waa nolol ninkii sii baarbaara ay usoo baxayaan nolol ka geddisan middii shalay uu malaynayey, waa nolol adiga saaxiibkaa ah, cadowgaana soorta, midna way bixisaa midna way sirqisaa!

Caadadaan haddii aan laga hor tegin waxa ay weji kale u samaynasaa Soomaalida, markii nin Carabaysan oo faraha fiiddooda ku sita fadwo, gaalaysiin iyo jihaad quraanyo isku jaf ah, iyaguna ay kala hor tagaan diidmo Soomaaliyeysan, bal cabbir cagaagga ka dhalan doona! Mid kale Galbeedaysan wuxuu la roorayaa calan dheer oo ay ka babbanayso DIMURAADIYAD, DUMARAYN, XORRIYADA HADAL, BINU-AADANNIMO aan carrabka iyo dib dhahayaa aqoon sanayn, wax magaratadana lagu jaahwareerinayo. Waxa imaanaya waa midda maanta taagan, in 27 sano dalkeennu dib isu taagi waayo, markii mid dhammaado mid kale oo carcartiisii qaba yaa budulka soo tuura, mid kale sii liicayey waxaa lagu soo toosiyaa udbo ka xoog roon, iyada oo la ruqo kicinayo. "Soori waannu ka xunnahay siliciyo dhibtiinnaba - kolkaas lagu yiraahdaa!".

Sida ugu wanaagsan ee lagu sal goyn karo waa in la yareeyo baahida loo qabo, dadyowgaan dhammaantood sita kaarka gumeystaha, jecelna in ay ku jiitaan ciddii uu ugu jiidmi karo, in laga tabaabushaysto gumeystaha, la gumeysteyaasha wax gumeysta annaga oo ka guurayna godkii uu nagu ogaa!

Dadkeennii waxa ay noqdeen kuwo dululaati maran inta madaxa loo geliyey, ka dibna lagu qafilay furiina la qaatay - Haddee waa ciddii kaa furta, maanta oo dhan firiglee!


Xoosh Docol Curdan
#IsBaro




Saturday 10 February 2018

KOORTA GEELA W/Q: Maxamed Saleebaan Axmed “Tixmagabe”

“Sida koorta Yucub oo la sudhay, koromo buubaala’’ - (Raage Ugaas)
Koortu waxa ay ka mid tahay agabka hawl fududaynta ah ee ay adeegsadaan xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed. Waxana loo xidhaa xoolaha si looga ilaaliyo baylahda, marka ay dibboodaanna loogu sanqadh dhegeysto. Koorta waxa si gaar ah ugu suntan geela oo isagu meesiyada kale ee la dhaqdo ka socod iyo hawl badan. Koorta waxa laga qoraa qaar ka mid ah dhirta sida hagarla’aanta ah uga baxda gayiga soomaaliyeed gaar ahaan; geedka lebiga iyo reybadka, sidoo kale waxa kooraha laga qoraa geedka dhosoqa, yucubta iyo IWM. Waxana dhirtan aynu soo sheegnay lagu xushay dhawr arrimood oo ay u horreyso in ay yihiin kuwo kooraha laga qoraa ay aad u sanqadh dheer yihiin, isla markaana aanay si fudud u dillaacin.
Kooruhu way noocyo badan yihiin waxa ayna ku kala duwan yihiin xajmiga, qaabqoraalka, carrabada, codka iyo dhirta laga qoraba. Hab aqooneed marka loo kala saarayo waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah Afqalac (af-jeex) iyo Rogaal. Waxa ayna labadan nooc ku kala duwan yihiin nashqadda iyo qaabsamayska oo si fudud loogu kala garto. Kooraha Afqalaca ah labadooda fay ama cidhif ma rogna, halka kooraha rogaasha ah labadooda fay ama cidhif ay yihiin kuwo kor u rogan.
Kooraha jaadka afqalaca ah u qoran waxa ka mid ah; Jiri (waraabe-daalis), AleenAleen-xooglaba-carrabley, iyo nooca ugu wayn oo la yidhaahdo Boodaan. Kooraha rogaasha ahna waxa ugu caansan; SanfaydQudkool (rogaal) iyo Nasro.
Koorta marka la qorayo waxa geedka laga soo jaraa laan toosan oo aan wax kurtinno ah lahayn. Waxana quraarkeeda loo adeegsadaa gudmo yaryar oo ay ka mid yihiin Jubbi iyo Dulmar. Dulmarta waxa kooraha iyo agabka kaleba lagaga qoraa oogada sare. Jubbida ama Mansaartana waxa lagaga qoraa (xordaa) gudaha hoose.
Haddaba marka la dhammeeyo hawsha qoridda waxa koorta loo yeelaa afar dalool oo ay laba hareeraha yihiin labana dusha sare. Labada daloolee hareeraha ah waxa la geliyaa xadhigga koorta lagu xidhayo. Labada dalool ee sarena waxa loogu talagalay in lagu xidho labada carrab ee koorta ka sanqadhinaya.
Carrabada koortu waxa ay u sameysan yihiin hab ka qasharka xabadda oo kale. Waxana laga soo gooyaa geed Madheedh ama Dhafaruur ah, sababta oo ah dhirtaasi waxa ay leeyihiin dhuux xooggan oo suurtogeliya in uu koorta si sahlan uga sanqadhiyo. Kooraha Afqalacada ah tan ugu yar waxa loo yaqaannaa Jiri ama (waraabe-wareeris). Jirida waxa badanaa loo xidhaa nirgaha aadka u yaryar ee caano nuugga ah. Sidoo kale waxa jira Aleen oo isagu jirida ka weyn kana cod dheer. Waxana uu leeyahay jabaq aad u sarreeysa oo dawan ah, waxa loo xidhaa Aaranka.
Aleenka waxa kor uga sii roon Aleen-xoog oo labadaa horeba ka sanqadh dheer waxana loo xidhaa geela waaweyn ee Gaanaha ah. Sidoo kalena kooraha Afqalaca ah waxa ka mid ah koor la yidhaahdo Labacarrabley. Labacarrableyda waxa loo xidhaa geela waaweyn waxa ayna in yar uun ka roon tahay Aleen-xoogga.
Boodaan: boodaantu waa koorta ugu wayn kooraha aan rogaasha ahayn. Waxana loo xidhaa hal galoof ah ama hal deggan oo aan ramadka dhalay ka mid ahayn. Koortu miisaan ahaan way ka culus tahay kooraha kale waana ay ka jabaq culus tahay, gaar ahaan waxa si aad ah loo maqlaa habeenkii. Sidaa darted ramadka iyo rimayga looma xidho.
Koorta uu codkeedu aadka u sarreeyo waxa loo yaqaannaa Babban. Koortu in ay babban noqotona waxa suuro geliya ninka qoraaga ah oo haddii ay koortu ahaato mid qaro wayn codkeedu ma noqdo babban. Se marka dhabannada, dusha iyo hoostaba si cilmiyeysan loo khafiifiyo waxa ay noqotaa mid la yaqaan oo aad u cod iyo tayo wanaagsan. Koorta aan sida fiican loo qorin ama laga qoray geed aan tayadiisu fiicnayn iyana waxa ay yeelataa cod hooseeya oo aan meel durugsan laga soo maqli karin dhawaaqeeduna aanu hab toolmoon u bixin, iyana waxa loo yaqaannaa Qonosh.
Geeljiraha soomaaliyeed waxa uu aad u yaqaannaa ama uu ku xeeldheer yahay qaabka uu geeliisu u daaqo. Tusaale ahaan; geela hal ka mid ah ayaa lagu yaqaan in ay geela kale horkacdo, halka halaha qaarkoodna ay markasta ka dambeeyaan geela ama ay bidhaan uun kula daaqaan. Sidoo kale halaha qaar ayaa geela baalaha ka raaca, hasha ugu dambeysa iyo tan ugu horreysa marka uu daba-dhoonku koor u xidho waxa uu si fudud u soo saari karaa geelu halka uu daaqayo weliba hasha ugu horreysaa halka ay joogto iyo tan ugu dambeysaaba. Waana hab-aqooneed maangal ah oo geeljiraha mooyee cid kale aanay aqoon.
Kala duwanaanta kooruhu waxa ay ka mid tahay farshaxannimada ay xoola-dhaqatadu xirfadda aadka ah u leeyihiin, tusaale haddii aynu u soo qaadanno, kooraha rogaasha ahi waa koorihii hore oo farshaxannimo la raaciyey.
Sanfayd: waxa ay le’eg tahay kana mid tahay Aleenka ama Aleenxoogga, se’ waxa ay kaga duwan tahay oo lagu yaqaannaa labadeeda fay ayaa kor u jeeda, dhawaaqeeduna waa mid aad u sarreeya.
Rogaal (Qutool): Koorta rogaasha loo yaqaannaa iyadu badanaa waxa ay le’eg tahay boodaanta waa se la yarayn karaa oo la le’ekaysiin karaa xajmi kasta, labadeeda dacal ama fay way rogan yihiin waxana qora oo kaliya qofka qoraalka kooraha aadka ugu xeesha dheer.
Rogaashu waxa ay leedahay carrab kaliya oo dhumucdiisu aad u wayn tahay. Rogaasha nooca ugu weyn waxa loo yaqaannaa Nasro, sababta oo ah waxa ay sameeysaa cod qaab durbaaneed oo kale ah. Hab-quraarka koorta rogaasha ah looma adeegsado in geela lagu sanqadh dhegeysto balse waxa muunayn looga dhigaa geela oo soddonkii halaadba hal keliya ayaa loo xidhaa rogaal. Kooraha marka la rabo in sanqadhooda la joojiyo waxa la isku xidhaa labada carrab ama inta bur caws ah la gooyo ayaa koorta lagu gufeeyaa, waxana loo yaqaannaa yaarayn ama qadaadid. Sidani badanaa waxa ay dhacdaa marka geela la dhaco ee aan la doonayn in haddii col ka daba yimaaddo aanu maqal.
Waxa jira habab loo la tacaalo koorta in codkeeda kor loogu qaado ama jabaqdeeda lagu labanlaabo. Waxana ka mid ah juqaal iyo sandaar iwm. Juqaalka waxa loo yaqaanna marka koorta labada dhegood ama labada dalool ee xadhkuhu kaga xidhan yihiin mid ka mid ah ama labadaba lagu aabudho jab qori ah. Juqaalku waa hab fudud oo koorta codkeeda loo siyaadin karo. Sandaarka isna waxa loo yaqaannaa marka koorta labadeeda fay ama san mid ka mid ah la geliyo ama lagu dhejiyo qori yar oo dhuuban si uu codka u siyaadiyo, waana marka ay koortu sanqo yeelato. Waxa jira isna hab kale oo loo yaqaan gaar. Gaarku waa marka koorta lagu shaqlo harag Sakaaro ama xoolaad oo lagu sarjaray. Gaarku koorta codkeeda wuu ka qaybqaataa tayadeedana waa uu sii labanlaabaa.
Geedka Lebiga ee geelu aadka u jecelyahay uguna wanaagsan ka goosiga kooraha, oo koor caqiibo leh laga goosto, faa’iidooyin badan ayaa uu geela u leeyahay, kuwaas oo ka baxsan koorta oo keliya. Arrimahaas oo ay heestan hoose inoo sheegayso saddex faa’iido oo geelu Lebiga ku qabo; kuwaas oo kala ah. In uu ka daaqo midhaha uu aadka u jecelyahay ee Kaambuli. Marna looga qoro koorta sanqadh wanaagsan oo la dhegaysto xilliga la raadinayo ama la ururinayo kaynta dhexdeeda. Iyo in loo fuulo marka la bidhaaminayo ee uu kala fogaado galabtii.
Geelu Lebi ku ladanaa
Koor looga gooyaa
Kaambuli1 ka daaqyaa
Ka jiraa u fuulyaa

Midho geelu jecelyahay oo Lebiga ka baxa

Maxamed Saleebaan Axmed “Tixmagabe”.
Hargaysa, Somaliland.

Sunday 29 October 2017

FANKII FARA BAXAY

Xilli laga joogo, qarniyaal iyo qarniyaal is biirsaday, waxaa soo bilowday fanka iyo maaweelada aadanaha si aysan u dareemin caayibnimo, ka dibna u noqon kuwo hawl gab. Waxaase fanka geeska Afrika (Soomaaliya) uu noqday mid labo lixaadsaday xilliyadii kacaanka iyo xorriyadda, waxaana ka dhigay dab dhagax lagu dhuftay dagaalladii gobol gaar ahaan ugu dambeeyey 1977-dii, Itoobiya iyo Soomaaliya. 

Wuxuu noqday gaashaan la isaga dhigo madaafiicdii ka soo dhacaysay dhanka Itoobiya, wuxuu noqday nadi lagu layli barayey ciidankii xoogga dalka, wuxuu noqday miisaan lagu cabbiro laguna kala ogaado kan kacaanka ayiday kan ka giigay ee aan gororayda u lahayn. 

Waxaa la ogaaday in fanka Soomaalidu yahay kan ugu faca weyn qaaradda Afrika. Waxaa la ogaaday in uu la soo bilowday bilowgii dhaqashada xoolaha, 

Wuxuu beri samaadkii noqday mid lagu haasaawo, laguna daymo daydo gashaantida laacaysa, guurna yagleeli jiray. Wuxuu dhidibbada u aasay amaamudka kooxo, leh milgo lagu hirto kuwaas oo xuli jiray fannaanka, abwaanka, laxamiistaha, turubbaystaha iyo weliba guud ahaan howl wadeennada oo ahaa kuwo afkooda yu'an jiray cilmi, aqoon iyo abwaannimo sal iyo baar u kortay. 

Dhicitaanki dowladdii xoogga badnayd ee Soomaaliya 1991-dii, waxaa fara baxay waxyaalo badan oo ay u muunad lahaayeen utunnadii bulshadu ku taagnayd. 

Utummadaas waxaa raacay Fankii oo ahaa lingax isu hayey bulshada, kuna hogatusaalaynayey wadajirkooda iyo ilaalada dalkooda, diintooda iyo dantooda guud. Wuxuu bulshada ku toosin jiray dariiqa iyo siyaasadda dowladda. Waa fankii uu halhayska u haa; "Dadweynahaan Hanuuninaa, Haasaawinnaa, danta u hagnaa". Waxaa lagu saadaalin jiray waqtiga iyo waayiha soo okobban, wuxuu ka warrami jiray sooyaalkii ummadeed, wuxuu farta ku fiiqi jiray danta guud ee haatan taagan. Booskii culimada beri baa waxaa galay fannaaniin bulshada ku hiddiya hannaankooda fakar. 

Kooxihii fanka sida Waaberi iyo Iftin, waxa ay lahaayeen lahan iyo laaq soo jiidasho. Codka hoobalka markii aad maqashid kuna ladhid erayada miiggan ee uu sameeyey ruug caddaa aan saanta laga dabo jarin. Heesta hobolladii Waaberi ama Iftin markii aad maqashid waa kuu sawirmayey hummaag maskaxeed, aad moogayd, waxaad tageysaa meel aadan horay u joogin, waxaad dareemaysaa in aad leedahay hab fikir iyo hannaan weelaynayd markii aad labo jeer kormartid heestii ama gabaygii hor u jirayaashii hadfay. 

Marka aad maqashid gabaygii dheeraa ee Cumar Xuseen Gorshe ku ammaanayey Geela, xataa haddii aadan arag geel waxaad ka dareemaysaa qaab dhismeedka, adkaysiga, jacaylka loo qabo, nafaacigiisa, waxtarkiisa, dhibka loo maro, kaaga darane waxaad ka famaysaa waxyaalo kale oo ka baxsan dulucda gabayga sida; in iduhu yihiin meesi aan lahayn waxtar aan lala barbar dhigi karin kan geela. 

Marka aad maqashida Heestii Nadiifo Xaaji Axmed ee ahayd ;

"Geeridu nin gaajo ah, iyadow gargaartoo, geel uusan dhaqan bay, gacantiisa gelisaa, illayn gaabsan maayoo, godob kama baqaayoo, intuu gabay ku faanuu, geeraarku taliyaa, maantana gedduu dhigay, awr soo gabooboo, garba beelay buu yidhi, ha guuro reerkuye, gar ma qaate weeye aan ka galab carraabee, allow ii gargaaroo, goodkiyo abeesada, gacal iiga yeel!". 

Ka tali hummaagga ay kuu bixisay, ka tali micnaha gunta weyn ee ku jira, ka tali sarbeeb yootanka muushka ka ah, ka tali hannaanka la isula helay erayada, haddaba ka tali abwaanka heesta sameeyey sida maan dheerida ah ee uu xushay Nadiifo Xaaji Axmed oo ku qaadday cod aadan ka dhergayn. 

Ka warran iyana markii aad maqashid laxanka, erayada iyo codka Faaduma Axmed ee lahayd; "Sida goodir caarre ah, ama gool libaaxiyo, ama good colaadeed ama ciyowga galabeed, ama gelin abaareed, laga guuray mooyee, cidla gacal la'aaneed gabbal iigu dhacayaa, gudcurkoo madow baan xiddigaha ku gudayaa, guuraha hillaacaan, galacdiisa raaca, gaaraa bidhaankaan hadba meel ku gaaraa!". Sawir noocee ah ayey ku siisay hummaagga aad heshay ma geddisan markii aad maqashid; "Ani waan ku jecelahay, markaan soo baraarugo, barkintaan ku moodaa!". qaafiyad uma saxna, hummaagga ay i siinaysana waa ka geddisan yahay kan Faadumo Axmed na siisay. 

Abwaanku marka uu sameeyo hees, balwo, jiifso iyo wixii la mid ah wuxuu inta badan la eegan jiray soona kala xulan jiray cidda uu u dhiibayo. Balse maanta aniga oo aan lahayn cod, ciyaar iyo calansho toonna ayaa jeclaanaya in aan ka mid noqdo fannaaniinta, waxa aan u tagayaa cid mid aan ku tuhmayo in uu wax tiriyo, kolkaas ayaan dhahayaa ii samee, hees uun! Markuu sameeyo ka dibna gaar baan u qaadayaa, laxanka iyo Muusikadaa la soo duubayaa, waa la isku jarjarayaa, iyada oo codka la saaray "Cod saameeye - Sound Effect". Haddaan cod foolxumaa waxaa lagu furayaa shucaac qurux ka dhigaya! kolkaas baan xayeysiin hadba dhar nooc ah, is rux cidlo ah iyo cod laga hormarinayo codka fannaanka oo lagu xayeysiinayo; "Waa heestii qarniga, ee hebel!". 

Fanka Fara Baxay, waxaa lagu fiicnaynsiin karaa iyadoo la soo celiyo wasaaraddii hiddaha iyo fanka oo kala xuli jirtay midka abwaan ah fannaan ah, hoobal ama majaajilayste ah. Waxaa lagu toosin karaa iyadoo la abuuro ururro hobol oo tartan ka dhexeeyo, laguna kala tartamo, abwaannada, fannaaniinta, hooballada, majaajilaysteyaasha, laxamaysteyaasha, turumbaystaha, muusikaystaha iwm. In dowladdu bixiso shahaado lagu aqoonsado kan abwaan ah lana siiyo derejada fanka ugu sarraysa, Hoobalkana la siiyo, derejo middaa ka hoosaysa sidaasna lagu wado. Si loo kala aqoonsado fannaanka ugu fiican iyo kan liita, abwaanka curiyaha ah iyo kan malookeeya. In la qabto tartan sannadeed inta wax curisa ama qaadda laga soo aruuriyey gobollada dalka oo dhan, laguna maamuuso gabyaaga ugu murti dhaarisan, iyo hoobalka ugu cod debecsan. 

Gunaanadkii, waa in la xulo abwaanka iyo fannaanka, haddii kale ummadda ayey sumaynayaan, anshaxana waa laga tegayaa sida dhacdayba.


Xoosh Docol 
#IsBaro

--DHAMMAAD--






Monday 23 October 2017

MUSUQMAASUQ

Gabayga Musuqmaasuqa Soomaaliya.

Musuqiyo dhibaatada, haddii meel la kala waayo
mankastiyo ciyaalkii, haddii mawdku ka adeegtay
maalkii dadweynaha, haddii shaalka lagu miistay
madax iyo muraadlaba, haddii loo tartamay tuugo
Yaa maciin la bidayaa, haddii madaxdu maalayso
Yaa magac la bidayaa, haddii culimo meel waydo
Yaa muunad wacaniyo xishood yaa milgada qaadi
kollay anigu maankayga iyo haddaan maalo madaxayga
mindha duna dhammaadaan majaha meel la dayannaa!

Wednesday 1 February 2017

Eray-bixinta Geela W/Q Xoosh Docol

Geelu waa meesiga ugu adkaysi badan meesiyada Soomaalidu dhaqato, waana kan loogu jecel yahay waxaana loo adeegsadaa oraahyo iyo aqoon kala duwan waxaana ka mid kuwaan hoose; 

Geela sidkiisu waa 13 bilood (390 habeen). Muddada uu ilmaha wadana waxaa loo yaqaannaa SidHasha rimman waxaa lagu gartaa Goojada ama Dhays - candhada (naasaha oo caano galeen yeesha). 

Hasha aan rimin kalkii ama sannadkaas waxaa la dhahaa TebisIlmaha hashu dhashay hadduusan bilo dhammaysan waxaa la dhahaa Qoor-jabane ama Af-ku-xuuble. Hashu markay dhicisana waxaa la yidhaahdaa hashii way Cabaad-dheereysay amaway Buruurisey. Xabka ilmuhu dabaasho ama ku jiro waxaa la dhahaa Guube. Waxaana soo raacda mandheerta, xuubkuna waa astaanta u horreysa ee hasha foosha ah lagu arko.Hasha ilmaheedu ka dhintay ee ilmo kale lagu tolay (la oggolaysiiyey) waxaa la dhahaa Sidig.
  
Hasha aan ilmaha lagu tolin oo la maalo waxaa lagu maalaa Maqaar, habka looguma maalana Maqaar-saar baa la dhahaa. Hasha ruuxeedana Igar baa dhahaa. Ilmaha dhashay hadduu dheddig yahay Nirig baa la dhahaa, hadduu lab yahayna Qurbac. Ilmuhu hasha wuxuu nuugaa ugu badnaan 2 sano ugu yaraanna hal sano hadduusan dhiman ama xanuunsan. Hasha aam caanaha badnayn waxaa la dhahaa Badho ama Baaqimo. Midda hoorka ahna ama caanaha badanna Madi baa lagu magacaabaa. 

Weelka geela lagu maalo wuxuu leeyahay in ka badan toban (10) magac oo kala ah; Gaawe, Toobte, Mure, Bire, Gorof, Doobi, Haruub-gaal, Haruub, Qarrog/Gorog iyo Dhakal. Hasha waxaa lisa labo nin, mid bidixduu ka istaagaa oo gaawuhuu lowgiisa saaraa waxaa dhanka bidix loo yaqaan haaneed. Halka nin kalena istaago dhanka midig waxaana loo yaqaanna Miskeed. Hashu waxay leedahay afar naas oo labo horaaddo tahay, labona dambeeddo tahay. halka hal horaad iyo hal dambeed oo is xigaa loo yaqaan Xag. Hal qof markuu hasha maalayo waxaa laga maalaa xag waxaaa la yiraahdaa Xigid. Hasha waa la maraa* - naasahaa laga duubaa si aan ilmuhu u nuugin. Waxaana lagu maraa Maraq. Hasha waxaaa loo maraa labo hab oo kala ah; Dhammaays - in afarta naasba laga maro.Dhambal - in la maro qayb ka mid ah naasaha. 

Geelu hadduu boqol gaadho Kadin baa la dhahaa, tusaale 500 boqol oo neef waa 5 kadin. Haddii kadimadu bataan ase aan tiradooda la aqoon waxaa la dhahaa Raysimmo. Geelu biyaha dhanada ah buu aad u jecel yahay kuwo macaan ma magaabaysto. Halkii marna hashu waxay cabbi kartaa 100 - 120 litir. Geelu wuxuu biyaha ka maqnaan karaa hadduu baad fiican haysto muddo bil ah; "Hal bil qadday, beri kuma dari waydo!". Geelu wuxu leeyahay codad ka duwan noolaha kale oo u gaar ah, waxaana ka mid ah; Olol, cabaad, jibaad, guux, dhuunyeeri, reen, uugaan, gurxan, shuuq, cuuc iwm. 

Geela intaan la aroorin waxaa ceelka uga horumara rag loo yaqaanno Ceelalyo. Hal nin ah markuu geela shubayo waxaa loo yaqaan Natooxsi. Rag badan markay shubayaanna Dowdab. Ninka geeljiraha ahi wuxuu ku seexdaa Cows-gogol, Asgogol ama Kashkaash. Berigii hore intaan haamaha iyo dhiiluhu si wacan u dhaqan gelin waxaa caanaha lagu kaydin jirey Sibraar* - Harag la weeleeyey. Codka kooraha, foorida, geela, iyo heesahaba waxaa loo yaqaan jabaq. Hashu markay ratiga u baahan taha inuu abaahiyo waxaa la dhahaa Abasax. 

Ratigu hadduu hasha ku abaahiyo meel qar ama qalax ama dul ama dhagax ah waxaa murxa ruugagga waxaana la dhahaa Sibrow. 
Geelu waa jeelaa* - wuxuu u xiisaa dhano, kolkaasna waa la jeel saaraa. Waxaana loo jeel saaraa saddex hab oo kala ah; Carrayn - in cusbo ama ciid dhanaan inta harag loogu shubo bowka ama geed galaha ah loo saaraa. Darmin - In la soo daajiyo geedka daranta loo yaqaan, oo ah geed dhanaan aadna uga baxa dooxooyinka Nugaal iyo Sool. Balxin - waa laga cabsiiyo ceel ka mid ceelasha dhanaanka ah, muddana la dul fariisiyo. 
  
Geelu markuu soo cabbo Wabax ama Cukan baa la dhahaa, kolka kalena Oommane. Habeenka uu ceelka u sii socdo asee uusan gaarin oo uu oomman yahay waxaa la dhahaa Oon-guul, kolka uu wabaxa yahay asee uusan galihiisa soo gaarinna Wabax-guul baa la dhahaa. 

Kolka u horraysa ee geelu darka afka dhigo waxaa la dhahaa Kamiin, markuu kamiinta rogo hadduu ku soo laabtana Rakaad baa la dhahaa "aan rakaadtiyo, kamiinta aan rogo, baa rag kala diley!". 
Geelu markuu ceelka tago waxaa biyaha loogu shubaa Dar (Harag neef geela ah). Waxaa biyaha lagu soo dhuraa Dalow, xarigga la jiidayana waxaa la dhahaa Dowlis. 

Geela haddii laga raro deegaankuu yaqaannay kan la geeyey wuu ku xanuunsadaa waxaana loo yaqaannaa Cashi. Geela waxaa lagu xidhaa Koor, kooruhu waa labo nooc samayskooda marka laga eego Xabuub iyo Rogaal. Dhanka dhawaqoodana waxaa loo qaybiyaa Aleel(n), Qalabley, iyo Boodaan ama Buudaan.  Hasha gurta oo aan la maalin Cashatab baa la dhahaa, ilmaha ay ka gurtayna Agoor baa la dhahaa. 
  

Xoosh Docol
ISBARO

Wednesday 12 October 2016

GEEDKA YICIBTA [GUDDA] ~ W/Q Xoosh Docol

Gud iyo yicib gaydhiyo maraa waysla laba geed. ~ Gabay.
Geedka Guddu waa Yeelaal ~ geed iskiis u baxa oo aan la beerin, wuxuuna ka baxaa dhulka carro-sanka ah ee Mudug iyo Galgaduud - (Ciid). Wuxuu leeyahay miro la cuno oo loo yaqaan magacyo badan sida ogaalka ahna la dhaho Gud ama Yicib. Geedkaan wuxuu gaar u yahay geyiga ay Soomaalidu dagto sida geedka Yagcarta iyo Moxorkuba (Beeyada iyo Mayddiga) gaar ugu yihiin dalkeenna qaniga ah.
NOOCYADDA GEEDKA GUDDA.
Geedka gudda waxaa loo kala ableeyaa laba falar oo kala ah.
1. Muqlay ~ dhererkiisu waa 2 - 3 m (Labo ilaa saddex mitir), wuxuuna u baxaa si kore, wuxuu dherer le'egyahay geedka qansaxa ah, mirihiisuna waa ka waxay le'eg yihiin kuwa quullaha waxayna leeyihiin laba qalbac oo beerka la cuno ku dhex jiro.

2. Suuley ~ waa ka gaaban yahay Muqlayga, dherer ahaanna waxaa lagu qiyaasaa ilaa 1.5 m (Hal iyo badh mitir). Miraha Suuleygu waa ka waaweyn yihiin kuwa Muqlayga, wuxuuna soo saaraa miraha aan naqaan ee badanaa la cuno, waxayna le'eg yihiin sadaal ahaan xubinta hore ee Suul-gacmeedka.
Geedka Guddu waa Roob-dhawr abaarahana ma baxo. Kolka hore wuxuu soo saaraa ubax cawllan oo caraf badan, ka dibna wuxuu soo saaraa miro yar-yar oo "Gobor ama Ciji" la yidhaahdo. Toddobaad waxaa baxa ubaxa cawllan, toddobaad kalena waxaa baxa Cijiga/Godorka, toddobaad kalana waxay noqdaan Qardax ama Gahayr oo ah miro adkaaday oo gal iyo dahaar sare yeeshay una adkaysan kara qorraxda iyo ia bede-beddelka cimilada sida qabowga iyo kulaylka, kolka ay qardax noqdaan waxay isu beddelaan ayaamo ka dib nooc loo yaqaan Jalaw (Biseyl) waana marka geedka laga soo gurayo.
Sannadada ay yicibtu aadka u aaranto una soo go'do waxaa loo yaqaannaa "Caadood". Kolka Jalawga lasoo guro wuxuu leeyahay dahaar sare oo adag waxaana habka qoloftaas looga qaadayo waxaa la yiraahdaa "Qolof jebin" qoloftaas lafteedana waxaa loo yaqaan "Burrin". Miraha gudda ee dadku cunaan badanaa waa Qardax/Gahayr, waxaana loo yaqaan kolka la bisleeyo "Il-ku-diir". Qardaxda waa la dubaa ama la rarmiyaa ka dibna inta la cusbeeyo ayaa jawaanno lagu cufeeyaa, waxaana looga baxaa abaaraha iyo xilliyada adag ee dheef yaraantu jirto sida miraha Garaska oo kale. Xilliyada reer miyigu ay waayaan caleenta Shaaha waxay isticmaalaan caleenta Gudda, waana caleen haddaad ciddiyaha ku diirto ku guduudinaysa waxay booskood gashaa haddii la waayo geedaha "Gogobada iyo Geed-xamarka".
MARXALADAHA GUDDA

Miruhu marka ay baxayaan waxay maraan lix jeegaan, oo kala ah.
1. Cir-u-jeed
2. Balag
3. Dib-u-day
4. Gees
5. Kalmoon, iyo
6. Beer
Kolka la soo jarayo miraha yicibta dadku waxay isu raacaan koox koox iyo intii isku duddo ah waxaana loo yaqaannaa "Arahsi" inta gaadiid u badan awr iyo dameero la kaxaysto, waxaana inta badan la soo jaraa xilliyada doogga ee xoolaha bahalla uun laga ilaaliyo.
Dadka gura yicibta iyo xoolaha cunaaba way ka astaamo duwan yihiin inta kale, dadka waxaa guduudta ciddiyaha waxaana loo yaqaan "Ciddiyo-cas", xoolaha geedka gudda cuna waxaa guduud noqda lafaha waxaana la arkaa markii neefka la qalo laftiisa licig ah. Dadka waxay u leedahay faydo badan sida uga bixidda abaaraha oo cunta laga dhigto, adkaynta lafaha - waxaa ku badan maadada tamarsiinta lafaha ee Kaalshiyam "Calcium", waxay ka helaan nafaqo dhammays tiran sida vit A, B, C iyo D oo jidhka qofka "araggiisa, koritaankiisa, adkaysigiisa, dhaahintiisa iyo ilaalinta lafahaba" u wanaagsan.
Xilliyda abaaruhu jiraan waxa la cunaa Qardaxdii la kaydsaday, inta xashimihii dib looga soo qufo. Mararka inta aan la jocayn/dubin/rarmin ka hor oo ay cagaarka tahay waa la karsadaa, waxaana lagu dhex karsadaa bariiska loogana dhigaa maraq ayada laf ahaanteedana waa la karsadaa, kolkaasna waxaa ka dhasha maraq loo yaqaan "Fuud yicibeed". Kaasoo ah mid aad u macaan badan dadkuna ay jecel yihiin siiba dadka waaweyn iyo barbaarta. Gudda xoolaha iyo dadkuba aad bay u jecel yihiin xilliga ay soo adaadunto taasna waxaa ka dhashay maahmaah hal ku dheg u ah jacaylka daran ee loo qabo Gudda taasoo ah; "Fadhi iyo fuud yicib la isku waal" ~ oo micnaheedu yahay fadhiga iyo fuudka yicibta waa la jecel yahay.
--- DHAMMAAD ---
  Walaal (SHARE) WADAAG dheh si ay uga faydo qaataan jaalkaagu. Waayo waa cilmi barasho nooga baahan maaddaama ay gaar u tahay dalka Soomaaliya iyo aagga Soomaalidu kasoo il-qaaddo.

Qore: Xoosh Docol
Curdan2@hotmail.com
Soomaaliya, nolol iyo nabad.

GEUMEYSTEYAASHA LA GUMEYSTO

Xilliyaal is biirsaday aadunuhu waxa ay ahaayeen kuwo ku nool nolol lahaansho, xaqiraad, kala adkaan iyo isboorid adiyad iyo anafo ku seen...