Wednesday 28 September 2016


Ninkii Dameeraha ku Dagaal Galay!

Geyiga Soomaalidu dagto deeg ka mid ah yaa laba reerood waxaa ka dhaxaysay colaad xiiro ah, qolo waxay haysatay; fardo, qoryo Maadhiin ah, wiilal timo calas ah iyo odayaal gargooyo ah oo degelka u jooga. 

Qolada kalana haba tabar yaraatee rag la'aani ma aysan hayn, fardo ma dhaqdaan oo degelladooda waxaa buux dhaafiyey dameero, farduhuna rag faro ku tiris ah oo colaadda sokeeyaha ka sarriigta bay u xero galaan, beri kasta oo la soo wariyo colaaddaasna fardahooda way ku xilo dalaaqi jireen inaysan bixinayn. Maalintii dambe baa waxaa la soo wariyey in colaad xiiro-xiiroah reerka kusoo wajahan tahay! Waa yaabe talaa murugtay, raggii tabar yaraanta lagu tuhmayeyna talaa ku ciirtay qolyaha kale ayagu waa iska diyaarsan yihiin inay wax daandaansadaan ma ahane ayaga lama holliyo! Waxaa talo gobo' ku tiri abbaanduulihii ahaana horjoogihii reerkii tabar yaro, wuu fakarayey wuxuu maammiyey siduu uga faa'iidaysan lahaa dameerahaan tirada badan ee daaska buuxiyey, taluu rog rogey, way la ciirtay oo ceeryoontay tuu keenaba, dheec iyo dhoocaar bay ku noqotay tala xumadiisa iyo booska uu reerka u joogo. Markaasuu soo xasuustay maahmaahdii ahayd "Talo waa dhabar" oo micnaheedu yahay dhabarkaaga adigu ma arki kartide dadka kalaa arkee ayaga la wadaag talada bal. 

Reerka waxaa ku jirey nin talo dhaari ah oo aan geyiga nin saaweeya jirin, odaygaasoo lagu magacaabi jirey "Tukaale". Tukaale tabcaha, siraha, xeeralada iyo qaabaynta dagaalka wuxuu ka gaarey meel aan garaadku cabbiri karin! Oday Tukaale tabco cajiib ah buu keenay, taasoo ah inuu si xeeladaysan uga faa'iidaysanayo dameeraha daaska reeraha digada ku qarribay, odaygii qabbaankii reerka wuxuu ku yidhi; "Adeer talo waa tii isu kaa sheegtee i dhagayso! Waxaan ku dagaal galaynaa dameerahaan aan haysanno!, reer saw ma jiraan rag haysta 10 faras? 'haah' ugu war celiyey, waxaan diyaarinaynaa rag dhan toban saf oo safkiiba 100 nin yahay, tiradooduna waa 1000 = (100×10) nin, saf kasta waxaan hor istaajinaynaa nin faras ku jooga, ragga dameeraha saaranna gadaal baan kusoo faylinaynaa. Dameeraha waxaan saaraynaa heensaha fardaha si fardo la loo moofo, haddana si dag dag ah halloo sameeyo heense dhan 990 heense oo dameeraha lagu jaangooyey. Intaas markii aan samaynno reerka naga soo hor jeeda ma haystaan kun nin oo fardooleey ah annaguse waxaan iska dhigaynnaa kuwo loo soo ciidmey oo ciidan lixaad leh helay. Sidaas awgeed maalinta dhoolla tuska fagaaraha illayn waan kala fognahaye waxay moodayaan inaan dhammaanteen fardooleey nahay, sidaas darteedna dagaalkaas way ka baaqsanayaan waayo niyadda ayaan ka jabinnay oo nooma babac dhigi karaane".

Abbaanduulihii "hawraarsan" buu ugu warceliyey asagoo ku riyaaqsan xirribta fog ee oday Tukaale. Waxaa la gaarey maalintii dagaalka. Sidii caadada ahayd qolo kasta galinkeeday dhoollatus dhanka fardaha iyo saanaddaha ciidanka ah samaysay, qoladii tabar weynida is bideysay waxay lasoo shir tageen 100 nin oo fardooley ah iyo rag aan ka tiro yarayn 500 boqol oo lug ah, wax rakuubley[1] ahna ma aysan wadannin. 


Dhoollatuska intii lagu jirey baa lala yaabay say isu diyaariyeen qoladii oday Tukaale kor baa laga arkay toban saf oo fardo ku jooga, iyo safaf kale oo aan ka tiro yarayn oo lug ah, sidoo kale waxaa u dheeraa rakuubley koox ah. Waxaa dhakafaarey qoladii tunka is bideysay tabarta ciidanka ee soo bandhigeen qoladii oday Tukaale! Waxay isla dhex mareen; "waaryaarahee reerka waa loo soo ciidmayoo uma babac dhigi karnee maxaan samaynnaa?" Qolo waxay tidhi aan dagaalka galno, qolo kale dagaal daaye' baqay dabada taageen kolkay arkeen safafka is-biirsadey oo torog loo soo tumay, qolo waxay ku baaqeen in gar muslaxo laba reer la dhex dhigo, qolo kalena fardahoodii bay la laabteen, waxaa madashii isugu soo haray abbaanduulihii ciidanka iyo rag doonayey maslaxo in la galo, way ka tabar roonaadeene waxay go'aansadeen galabtaas inay is dhiibaan oo ay oo ay oday Tukaale qoladiisa la heshiiyaan. Maalintaasna waxay dirsadeen ergo odyaal u badan oo gorod dhiibasho ugu tagay oday Tukaale, wayna ka aqbaleen gorod dhiibashadaas! Halkaasna waxaa ku dhammaaday colaaddii soo jireenka ahayd ee labada beelood waxaana colaaddaas soo af jartay xirribtii oday Tukaale.

Ilaahay hanna siiyo oday Tukaale haddaan Soomaali nahay, waxaan kala soo bixi karnaa hoggamiyaha caqliga badani inuu qabiil daaye uu qaran badbaadin karo.

Waxaan kaloo kala bixi karnaa in is dhiibidda guusha ka horraysa tahay guul darro!!

"Is dhiibidda guuska ka hor waa guul darro" ~ Xoosh

---------------

[1] ~ Rakuubleey : Ciidammada awrta ku dagaal gala.




W/Q: Xoosh Docol Curdan

Xiriir: E-mail

xcurdan@gmail.com



GEUMEYSTEYAASHA LA GUMEYSTO

Xilliyaal is biirsaday aadunuhu waxa ay ahaayeen kuwo ku nool nolol lahaansho, xaqiraad, kala adkaan iyo isboorid adiyad iyo anafo ku seen...