Monday 21 December 2015

Blogga Xoosh Jaamac Faarac

Walaal Balooggaan waxaa iska leh walaalkiin Xoosh Jaamac Faarax, sidaas awgeed ku soo Xidho noqona mid wax badan ka faa'iidaysta. 



Mahadsanid 
Hosh Jama 
Bosaso, PL, Somalia.

Thursday 10 December 2015

Xallinta Garta iyo Soomaalida

Xallinta Garta iyo Soomaalida

Garta yaa xalliya?

Waa Toyasho u baahanaysa baaritaan, hase ahaatee waxaa looga jawaabi karaa si fudud oo aan lahayn baaritaan aad u dheer, taasoo aan u baahanayn, in waqti dheer lagu lumiyo,.

Warcelin!!
Bulsho kasta marka loo eego waxaa garta loo dhiibaa ama xalli ya yiraahdaa waa dadka loo yaqaan “INDHEER-GARAD” – maqaawiirta caqliga iyo ciraabta xallinta u saaxiib ah, tusaale ahaan markaan soo qaadanno ayadoo loo fadhiyo in la xalliyo gar adag, ayaa odayaal waxay dhaheen, rag waawayn halla sooco, kolkaasaa wiil yar oo geedka korkiisa saarnaa baa yidhi “War waayeel ha soocininne waxgarad sooca”

Qiso.

Beri beryaha ka mid ah ayaa wiil wuxuu la reero ka guursaday gabar, gabadhii waa laga dhistay sidii caadada soomaalida lagu yaqaan,

Gabadhii waxaa laga dhiibay yarad iyo xoolo aabaheed iyo ehelkeedii lagu harqiyey, si wanaagsan ayaa loogu soo gogol fariistay.

Gabadhii in mudda ah ayey ku nagaatay reerkeedii waxay ninkii u dhashay caruur, badan. Sidii gadha labada reeri ay u kala guursadeen way kala ambadeen, wayna kala fogaadeen in mudda ah laysma arag.

Dalka waxaa soo martay abaarihii soomaaliya kusoo laalaaban jiray, oo badanaa aad u saamayn jirtay dhilka loo yaqaan gubanta iyo hawdka, kuwaasoo dhaca dhanka waqooyi ee dalka. Daba dheetaay abaartii waxaa si wayn isu bedelay xoolihii, dadkii iyo duur joogtii kunolayd geyigaas abaartu aafaysay, ninkastaayi wuxuu ka fadaday dadkii iyo dhabbooyinkii ama wadada dadku maraan si aan waxba loo waydiisan,

Waxaa beri beryaha ku jira hoortay hogol daruureed oo qabatay meel ka mid ah gobolkii aan soo carrabawnay, waxaa isugu yimid ummadii aagga ka dhawayd oo dhan, waxay noqotay dhiiq aad laysugu xoomay dhulkiina laysku ciriirshay meelo aan jabad ahayn ayaa jabdo laga dhigay, meel aan degel ahaan jirin waa loo xaarxaartay.

Waxaa kamid ahaa dadkii meeshaas isugu yimid labadii reer gadhaha kala guursaday, waxay ahayd kulankoodii labaad markii ay gabadha kala guursadeen ka dib, waxaa is arkay isuna hiloobay, gabadhii iyo walaalaheed, in badan bay is matxabeeyeen, isna bogaadiyeen, maalintaas saas ayaa lagu kala carraabay laguna kala tagay.
Waxaa maalintii danbe gabadhii go’aansatay inay soo aaddo reerkeedoo oo aan aagga ka fogayn .

Gabadhii in markay soo soconaysay bay waxay la kulantay walaalkeed iyo ninkeedii oo meel aagga ah ku shaxaya jare, waxaa meel aan ka fogayn ahaa gal ama waro ay biyo galeen, sayntii hoortayna ay hogolaysay, gabadhii waxay u hogbatay inay ku mayrato waradii, inatay geed isaga beegtay walaalkeed iyo ninkeedii bay ku maytatay, meeshii markay soo mayratay ka dib ayey gabdhii waxay cagteeda ku taabatay fool maroodi oo dhex yaalla galkii, waagaasna  aad buu  qaali u ahaa reerkii helana ay maalin gudaheed ku taajirayaan,

Gabadhii way soo martay walaalkeed iyo ninkeedii waxay ku tiri kaalaya waxbaan idin tusayaaye , labadii nin ayaa soo xakakaabsaday iyagoo gacmaha boodh ku leh, gabadhii ay soo roogsatay, galkii meesha uga aaddaynayd halkii ay ku aragtay foolka, intay u ishaartay ayey waxay ku tiri wiilashii “halkaas geedkaas duggiisa ah waxaa yaalla fool maroodi”!

Labadii nin orod bay isku taabteen waxayna halhaleel ku gaareen meeshii ay gabadhu ugu tilmaantay foolka, waxay halmar gacamaha la galeen meeshii oo baar baareen iyagoo ku tartamaya foolka waxayna isku mar gacanta la haleeleen foolkii oo ninba dhinac qabsaday, oo lasoo boodeen iyagoo ku haya “ Anaa hor helaye sii daa, Anaa hor helaye sii daa!”, waxay isku qabsadeen waxay ahayd galabe waxaa isugu dhacay waqtigii igaoo isku haysta, foolkii, waxayna isula tagee goor cilcillaw ah odaygii soddogga u ahaa wiilka gabadhha qabay ama gabadha aabbaheed, wuxuu ku qanciyey labadii wiil inay u waabariistaan, ninkastana markaasuu reerkiisii qatay.isagoo isu hayta in asaga loo xukumi dooni marki waagu caddaado.

Waagii baa soo kaahay xoolihiin a waa foofiyey/soofiyey, waayeelkii kaliyaa aqalladii isugu soo haray, waxaa markaasna isu yimid labadii nin oo isku hayta foolkii maroodiga, waxaa laysku dayey in la xukumo waase noqon wayday, xilli badan ayaa layska daba meeray iyadoo arrintaas, gar loo raadinay,o labadii qabiil oo wiilashu ka dhasheen ayaa warmaha isu looshay iyagoo ninkastaayi rabi in asaga loo xukumo foolka, dagaal dhacaayi waa la baajiyey, waana laga hor tagey.

Waxay gatii socotowaxay ka dhex baxday duddadii meesha dhiiqda ah isugu timid waxay u baxday in loo raadsho dad xukuma gartaas, waysa noqon waydoo waa la waayey, waxay martay galbeedka, sanaag bari, nugaal, mudug, waxay ka dagatay gartii iyadoo aan la xallin gobollada dhexe ee soomaaliya. Maalin ayaa waxaa laysugu yimid geed lagu gorfaynayo sidii gartaas loo xallin lahaa, iyadoo laysku mari la’yahay ayaa geedkii gartu ka socotay waxaa istaagay, nin aan muuqaalkiisa kore dhalaalayn, dhar hilfa ah oo dhammadayna qaba, oo kasoo leexday geel hayaan ahaa oo uu markaas wattay.

Wuxuu waydiiyey dadkii geedka joogay “maxaa laysku haystaa oo la xallinayaa?”, ninkii uu waydiiyey ayaa markaas u warceliyey inta sheekadii dheerayd ee aysoo martay gartu u baalxoofiyey, buu ku yiri “Arrintaasaa laysku haystaa”. Waxaa hadalka ku jiray guurtidii garta loo saaray inay xalliyaan, markii ay ka baxeen hadlkii oo ay go’aamiyeen inaysan gartaan wax xal ah dhankooda u hayn oo markale u madlanyahiin inay isu soo laabtaa si halkaas gartaas looga sii amba qaado, ayaa ninkii farta taagay oo yiri “Anaa garta xalkeeda hayee, waxaan sheego haddii lagu qanco halla fuliyo”. Dadkii oo layaabban ninka muuqaalkiisa guud ayaa yir “Bal noo sheeg xalkeed!!” wuxuu yiri sidaan soo socota:
“horta ma mid, misa mid” saallaye “Midba” suuye, “Ma gabadhu qaarka hore(gacmaha) ku heshay foolka, mise qaarka danbe(lugaha)” saallaye, “qaarka hore” Suuye, “hadday qaarka hore ku heshay waxaa iska leh walaalkeed!” “Haddayse qaarka danbe ku heshay waxaa iska leh ninkeeda!”

Wuuna sababeeyey oo yiri “waxaan taas u iri, gabadha waxay diyo gasho ama laga galo waxaa dusha ritta, qoyska iyo reerka ay ka dhalatay, waayo wixii daqar ama dil ahba waxaa lagu geystaa gacanta, Sidoo kale wixii ay qaarka danbe ku hesho waxaa iska leh ninkeeda waayo qaarka danbe wixii ka yimaada waxaa loo xukumaa ninka sida caruurta iyo isutagga labada is qaba, sidaas awgeed waxaan foolka u xukumay ninkeeda, maadaama ay qaarka danbe fooka ku heshay!!”

Guurtidii iyo dadki meesha fadhiyeyna ninkii ayey ku raaceen, fikraddiisii uu keenay iyo qaabkii uu xalliyey gartii sannadada soo jiitamaysay, dhiigga badanina ku daatay, waxaa halkaas ka baxday maah-maah aad u qiima badan oo kuu tusaalaynaysa, cidda talisa iyo sida loo raalli noqdo. “Nin talin jiray hadduu taliyo, tahashana waa tagtay

Istacajib iyo yaab ayey dadkii ku noqotay, way yaabeen ninkii ayaa lagu soo xoomay isagoo laga qoondhabaynayo haddallo kaloo xikmad leh, ninkii halkii buu kasii tagay geeliisii hayaanka ahaa buuna kasii daba tagay.


W/Q: Xoosh Docol Curdan 
Xigasho: Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamud [2010, GLK].
BSSOPLSOM


Xariir:  Curdan2@hotmail.com
Tell:  +252907755115, 0661200059



Tuesday 8 December 2015

GEUMEYSTEYAASHA LA GUMEYSTO

Xilliyaal is biirsaday aadunuhu waxa ay ahaayeen kuwo ku nool nolol lahaansho, xaqiraad, kala adkaan iyo isboorid adiyad iyo anafo ku seen...